Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadi “Waxan Kashaqeyn la,nahay Xildhibaano Katirsan Dowlada”

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Soomaaliya.

Dr. Aways ayaa waxa uu sheegay in howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaano mar walba soo fara galiya kiisaska dacwadaha ee ay qabato Maxkamada Gobolka Banaadir.

“Kuwa Madaxweynaha u taga, kuwa Ra’iisul Wasaaraha u taga waa inta tuugada ah ee annaga aan soo ceyrinay, anniga Golaha Shacabka waxba kama sheegaayi, laakiin qaarkood waalaga shaqeyn la’yahay, qaarkood ayaan la kaftamay, waxaan ku iri Xildhibaano Qaran miyaa tihiin, mise Qareeno qabiil ayaad tihiin, laba qof oo is heysata ayay mid soo raacayaan, Garsoorka waa shaqada ugu adag ee la qabto.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Aweys in ay cadaalad daro tahay laba qof oo is heysata in dhinac lala safto, wuxuuna tilmaamay Garsoorka inuu muhiim u yahay shaqada Dowladda, sidaasi darteed ayuu xildhibaanada qaar ka dalbaday in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha cadaaladda.

Maalin kahor ayay aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) uu sheegay in uu ka shaqeyn la’yahay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay wataan dad gaar ah oo ay doonayaan in loo shaqaaleysiiyo.