Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Furay Dhismaha Cusub ee Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo tayada adeegyada garsoorka, korna loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha caddaaladda ee loogu adeego shacabka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta cusub ee maxkamadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Mudane Saciid Cali Maxamed, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud, garsoorayaal, xeer-ilaaliyeyaal, madax ka tirsan hay’adaha garsoorka iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku tilmaamay dhismahan cusub mid muhiim u ah horumarinta nidaamka garsoorka dalka, iyagoo sheegay in xaruntan casriga ah ay wax weyn ka tari doonto tayeynta adeegyada caddaaladda, fududeynta shaqada garsoorayaasha iyo shaqaalaha maxkamadda, iyo kor u qaadista kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha garsoorka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-dhiska iyo casriyeynta xarumaha garsoorka, si loo helo nidaam caddaaladeed oo hufan, madax-bannaan, isla markaana si siman ugu adeega dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in horumarinta kaabayaasha garsoorka ay door weyn ka ciyaareyso dardargelinta bixinta adeegyada caddaaladda, yareynta caqabadaha ka jira shaqada maxkamadaha, iyo xaqiijinta in bulshada ay helaan adeeg sharci oo degdeg ah, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Mudane Saciid Cali Maxamed, ayaa isaguna bogaadiyay hirgelinta mashruucan, isagoo sheegay in xarunta cusub ay sare u qaadi doonto tayada shaqada garsoorka, isla markaana ay abuuri doonto jawi shaqo oo casri ah, ammaan ah, kana turjumaya horumarka ay ku tallaabsanayaan hay’adaha caddaaladda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud, ayaa tilmaamay in dhismahan uu yahay mid si weyn u taageeraya howlaha maalinlaha ah ee maxkamadda, islamarkaana uu fududeyn doono adeegyada loo fidiyo shacabka, gaar ahaan dhinacyada maamulka dacwadaha, qaabilaadda bulshada iyo habsami u socodka shaqada garsoorka.

Dhismahan cusub ayaa lagu qalabeeyay xafiisyo casri ah iyo adeegyo muhiim u ah maamulka maxkamadda, waxaana la filayaa inuu door muuqda ka qaato kor u qaadista waxqabadka hay’adaha garsoorka iyo hirgelinta qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu casriyeynayo nidaamka caddaaladda dalka.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka, laguna dhisayo adeeg caddaaladeed oo hufan, tayo leh, daahfuran, isla markaana si siman ugu adeega dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo kalsoonida bulshada ee hay’adaha garsoorka iyo dowladnimada.