Guddoomiyaha Shirkadda Kenya Airways Oo Joojisay Duullimaadkii Tooska Oo Ay Ugu Gooshi Lahayd Nairobi Iyo Muqdisho

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay joojiyeen Qorshihii Duullimaadka Tooska ee ay isaga kala gooshi lahaayeen magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

War-qaoraal oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay inay ilaa muddo ah hakinayaan Duullimaadyadaasi, kadib, markii ay soo wajaheen Dib-u-dhac ku aadan sidii loo heli lahaa baahiyayaal farsamo oo dheeraad ah oo dhinaca Duullimaadka.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz waxa uu xusay inaysan samayn doonin Duullimaadyada Tooska ee Nairobi iyo Muqdisho ilaa amar dambe oo dheeraad ah.

Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways  oo ay leedahay Dowladda Kenya waxay horey u shaacisay inay Duullimaadyadaasi bilaabi doonaan 15-kii bishii November ee la soo dhaafay.

Diyaarad nooceedu yahay Bombardier Dash 8 Q400 ayaa la qorsheynayeen in loo adeegsado Duullimaadyadda Kenya Airways ee isaga kala gooshi lahaa Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo qiimaha Tikidhka ee Halka Duullimaad ee Muqdisho iyo Nairobi uu qiimihiisunoqon lahaa 403 Dollar.

Dib-u-dhigista Qorshaha Duullimaadyadda ee Shirkadda Kenya Airways ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dalalka Jabuuti, Burundi iyo South Sudan ka gaabsadeen qorshe ay Shirkadda Kenya Airways ku doonaysay inay Diyaaradaha nooca Bombardier duullimaad ka bilaabaan  caasimadaha dalalkaasi.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikos oo dhawaan Khudbad ka jeediyey Barlamaanka Kenya waxa uu sheegay inay sababo siyaasadeed ka dambeeyaan Diidmada ay qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika kaga mamnuuceen dalalkooda Duullimaadyadda Kenya Airways.