Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyagoo yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu garab istaagayo shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha adag.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, saameynta ay bulshada ku leeyihiin abaaraha, daadadka iyo masiibooyinka kale ee soo noqnoqda, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, ururrada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo gurmad wax ku ool ah oo gaara dadka tabaaleysan.
Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa bogaadiyay shaqada ay Hay’adda SoDMA ka waddo dalka, gaar ahaan howlaha gurmadka degdegga ah, maareynta musiibooyinka iyo taageerada la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan xaaladaha adag. Waxa uu tilmaamay in dadaallada noocaas ah ay door weyn ka qaataan badbaadinta nolosha dadka nugul iyo yareynta saameynta ay masiibooyinku ku yeeshaan bulshada.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Ururka Towfiiq booqashada iyo xiisaha uu u muujiyay howlaha samatabixinta iyo gargaarka bani’aadannimo. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ay door muuqda ka qaataan wacyigelinta bulshada, dhiirrigelinta isku gurmashada iyo ka qeyb qaadashada dadaallada lagu taageerayo dadka ay saameeyeen masiibooyinka.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in SoDMA ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha dowladda, ururrada bulshada iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in gurmadka uu gaaro dadka ugu baahida badan.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdinasir Cabdi Caruush, iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi, kuwaas oo ka qeyb qaatay doodaha ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee la tacaalaysa caqabadaha bani’aadannimo.