Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), oo ah madal lagu falanqeeyo arrimaha gargaarka, u diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka dalka.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedyada dalka, kuwaas oo ka qeyb geli doona doodaha iyo kulamada lagu gorfeeynayo xaaladaha bini-aadannimo, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada wax looga qabanayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamku sababo.
Markii ay gaareen Baydhabo, wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo muujiyay muhiimadda ay madashani u leedahay xoojinta isku-duwidda howlaha gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.
Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026) ayaa la filayaa inay isugu timaaddaan mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada samafalka iyo bahwadaagta caalamiga ah, si looga wada hadlo xaaladda bani’aadannimo ee dalka, qorshayaasha gurmadka degdegga ah, iyo xalalka waara ee lagu yaraynayo saameynta masiibooyinka soo noqnoqda.
Kulankan ayaa sidoo kale la filayaa inuu horseedo xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha gargaarka, iyadoo diiradda la saarayo sare u qaadidda u diyaargarowga musiibooyinka, ilaalinta bulshada nugul iyo kobcinta adkeysiga bulshooyinka Soomaaliyeed ee wajahaya caqabadaha bini-aadannimo.