Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Bani’aadannimo ee 2026 (HNRP), kaas oo ah laf-dhabarta isku-duwidda gurmadka naf-badbaadinta iyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee dalka.
Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xusay in Qorshaha HNRP uu yahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu kala hormariyo baahiyaha bani’aadannimo, laguna badbaadiyo nolosha dadka ugu nugul, isla markaana lagu gaarsiiyo gargaar ku saleysan mabaadi’da bani’aadannimo iyo sinnaanta. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu uu u baahan yahay is-waafajin buuxda oo lala yeesho nidaamyada badbaadada bulshada, yareynta khataraha masiibooyinka, iyo xoojinta adkeysiga isbeddelka cimilada.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale adkeeyay in Hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo leexinta gargaarka, isaga oo tilmaamay in hufnaan, isla-xisaabtan, iyo gaarsiin gargaar oo cadaalad ah ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee howlaha gurmadka.
Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hormuud u tahay jihaynta iyo isku-duwidda howlaha bani’aadannimo, halka saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay door lama-huraan ah ka qaadanayaan naqshadeynta, maalgelinta, iyo hirgelinta gargaarka lagu badbaadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Qorshaha HNRP 2026 ayaa lagu qeexay sidii aalad muhiim u ah kordhinta waxtarka gargaarka, hubinta hufnaanta howlaha, iyo ka jawaabidda baahiyaha degdegga ah ee bulshada, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dowladda, hay’adaha maxalliga ah, iyo saaxiibada caalamiga ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha iyo bulshada inay ka qaybqaataan hirgelinta qorshahan, si loo xaqiijiyo nolol badbaado leh, gargaar waxtar leh, iyo xasillooni bulsho oo waarta.