Guddoomiyaha SoDMA oo Ka Digay Kororka Nafaqo-darrada ee ay Sababeen Abaaraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka iyo saameynta ay ku yeesheen caafimaadka bulshada, gaar ahaan nafaqo-darrada.
Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaan qeybta xaaladaha degdegga ah (Emergency), iyo Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Intii uu socday kulanka waxaa diiradda lagu saaray saameynta abaaraha ee dhinaca caafimaadka iyo kororka nafaqo-darrada, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhaxeysa SoDMA iyo bahda caafimaadka, si loo dardargeliyo gurmadka loona gaarsiiyo gargaarka deegaannada ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaan gaar ah la siiyo deegaannada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha, si loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad iyo gargaar degdeg ah dadka ugu nugul.