Guddoomiyaha SoDMA Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay xarunta hay’adda Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa daryeelka iyo taageerada dadka ku jira xabsiyada dalka, iyo sidoo kale kor u qaadista adeegyada la xiriira xaaladaha bani’aadannimo ee maxaabiista.

Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay daryeelka carruurta agoonta ah ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed, iyo sidii loo heli lahaa barnaamijyo taageero iyo daryeel bulsho oo joogto ah oo lagu garab istaago qoysaska nugul.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kulanka ku ammaanay dadaallada iyo qorshayaasha ka hortagga musiibooyinka ee SoDMA, isagoo xusay in ay muhiim tahay in si gaar ah loo daryeelo maxaabiista, agoonta ciidamada asluubta, iyo qoysaska danta yar.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in hay’addu ay si dhab ah uga shaqeyn doonto xoojinta garab istaagga maxaabiista, agoonta ciidamada asluubta, iyo qoysaska nugul, isla markaana la dardar gelin doono kormeerka iyo la socodka xaaladaha xabsiyada dalka si loo hubiyo adeegyada bani’aadannimo ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta, si loo horumariyo xaaladaha maxaabiista iyo adeegyada daryeelka bulshada ee la xiriira hay’adaha amniga iyo cadaaladda dalka.