Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadamnimo ee ka dhalatay dagaalladii beelaha ee ka dhacay degmada Jalalaqsi, kuwaas oo sababay barakac, dhaawacyo iyo baahi bani’aadamnimo oo soo wajahday qoysas badan. Masuuliyiintu waxay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa gurmad degdeg ah oo gaara bulshada ay colaaduhu saameeyeen, loona xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxaysa Hay’adda SoDMA, Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo hay’adaha kale ee bahwadaagta la ah howlaha gargaarka.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in Hay’addu ay mudnaan gaar ah siinayso ka jawaabidda xaaladaha bani’aadamnimo ee degdegga ah, isaga oo xusay in SoDMA ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah qiimeynta baahiyaha jira iyo isku-dubbaridka gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen colaadaha.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Hay’addu ay ka go’an tahay sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa shacabka tabaaleysan, isla markaana ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxaysa hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada samafalka si loo hubiyo in gurmadku ku gaaro dadka ugu nugul waqtiga ugu habboon.

Dhankiisa, Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa uga mahadceliyey Hay’adda SoDMA sida ay uga go’an tahay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag. Waxa uu tilmaamay in bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi ay u baahan yihiin taageero degdeg ah oo dhinacyada cuntada, hoyga, biyaha, adeegyada caafimaadka iyo agabka kale ee daruuriga ah, si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha.

Masuuliyiintii kulanka ka qayb gashay ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada, si loo dardargeliyo howlaha samatabbixinta, gargaarka iyo dib u soo kabashada bulshada ay saameeyeen dagaalladu.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto doorkeeda hoggaamineed ee isku-dubbaridka gurmadka bani’aadannimo ee dalka, iyadoo mudnaanta koowaad siinaysa badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo gaarsiinta gargaar hufan, degdeg ah oo waafaqsan baahiyaha jira.