Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Türkiye kulan muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Turkiga (AFAD), Mudane Ali Hamza Pehlivan, kaas oo ka dhacay xarunta AFAD ee aagga Green Zone, halkaas oo ay ka socdaan kulamada la xiriira shirka COP31.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada maareynta musiibooyinka, is-weydaarsiga khibradaha farsamo, horumarinta nidaamyada digniinta hore iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda hay’adeed ee SoDMA, si ay u yeelato awood dheeraad ah oo ay kaga jawaabto xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka kala duwan ee dalka ka dhaca.
Labada guddoomiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan mideysan oo lagu wajaho musiibooyinka, kaas oo ku saleysan qorsheyn, diyaargarow hore iyo ka jawaabid degdeg ah, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maal ee ka dhasha abaaraha, fatahaadaha, dabeylaha iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd khibradda iyo aqoonta farsamo ee ay leedahay hay’adda AFAD ee dalka Türkiye, gaar ahaan dhinacyada tababarrada shaqaalaha, adeegsiga qalabka casriga ah, nidaamyada xog-ururinta iyo horumarinta hababka lagu saadaaliyo khataraha musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa isku raacay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah, taas oo loo xilsaari doono diyaarinta hannaan iskaashi rasmi ah oo dhex mara SoDMA iyo AFAD. Kooxdan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doonta dejinta qorshayaal wadajir ah, qabashada tababbarro iyo sidii loo xoojin lahaa wadaagga aqoonta iyo khibradaha ay labada dhinac u leeyihiin maareynta musiibooyinka.
Dhismaha kooxdan farsamo ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo xiriirka hay’adeed ee labada dhinac, iyadoo la filayo inay fududeyso hirgelinta barnaamijyo iskaashi oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadi kara awoodda shaqaalaha SoDMA iyo tayada adeegyada gurmadka degdegga ah ee dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay gurmadkii ballaarnaa ee dowladda Türkiye ay ka geysatay abaarihii Soomaaliya ka dhacay sannadkii 2011-kii, xilligaas oo dalka ay ka jireen xaalado bani’aadannimo oo aad u adag.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye uu leeyahay muhiimad gaar ah, isla markaana wada-shaqeynta labada hay’adood ay door muuqda ka qaadan karto horumarinta nidaamka maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay wajahaysay musiibooyin dabiici ah oo isugu jira abaaro daba dheeraaday, fatahaado iyo xaalado kale oo saameyn ku yeeshay nolosha bulshada, xoolaha iyo dhaqaalaha dalka, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo in la helo hay’ado awood u leh inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha noocaas ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Hay’adda SoDMA ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh maareynta musiibooyinka, iyadoo la doonayo in la horumariyo awoodda dalka ee ka hortagga khataraha, u-diyaargarowga musiibooyinka iyo bixinta gurmad degdeg ah marka ay xaalado adag dhacaan.