Guddoomiyaha SoDMA oo La Kulmay Wasiirka Ganacsiga, Lagana Hadlay Abaarta Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Gamal Maxamed Xasan, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Waqooyi Bari.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ee ka jirta deegaanada Waqooyi Bari, oo si ba’an u saameysay dadka iyo duunyada. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegay in roob la’aan soo noqnoqotay ay keentay biyo yari, cunno xumo iyo xaalado nololeed oo adag, taasoo dadka deegaanka ka dhigtay kuwo si degdeg ah ugu baahan gurmad bani’aadamnimo.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay booqashada iyo xog-wadaagga, isagoo caddeeyay in hay’addu waddo dadaallo xooggan oo lagu gaarsiinayo gurmad degdeg ah deegaannada abaartu saameysay, gaar ahaan Waqooyi Bari, iyadoo la kaashanayo hay’adaha dowladda iyo saaxiibada calamiga ah.