Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo is-xogwareysi ah, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha bani’aadantinimada, maareynta musiibooyinka iyo xoojinta diyaar-garowga hay’adaha dowladda ee ka hortagga xaaladaha degdegga ah.
Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray diyaar-garowga iyo qorshayaasha looga hortagayo saameynta ka dhalan karta ifafaalaha El Niño, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo qorsheyaasha ka hortagga musiibooyinka iyo awoodda wax looga qabanayo xaaladaha bani’aadantinimo.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka uga warbixiyay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya dadaallada ay hay’addu waddo ee la xiriira ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka, qiimeynta khataraha iyo diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, ayaa bogaadiyay dadaallada ay SoDMA ugu jirto ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, isagoo muujiyay sida ay UNDP uga go’an tahay in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya.
Politis ayaa caddeeyay in UNDP ay diyaar u tahay in ay xoojiso iskaashiga iyo taageerada farsamo ee la siiyo hay’adaha dowladda, gaar ahaan dadaallada lagu wajahayo xaaladaha bani’aadantinimo, diyaar-garowga musiibooyinka iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah u lahaa xoojinta wada-shaqeynta SoDMA iyo UNDP, iyadoo la isla fahmay in iskaashi joogto ah iyo isku-duwidda dadaallada ay muhiim u yihiin in si wax-ku-ool ah looga hortago khataraha musiibooyinka iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.
SoDMA ayaa muddooyinkii dambe kordhisay dadaallada wacyigelinta iyo diyaar-garowga musiibooyinka, iyadoo xoogga la saarayo in hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta saameynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo taageeridda dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan diyaar-garowga, ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka.