Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda nabadda iyo amniga ee Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray xasilloonida gobolka iyo amniga Khaliijka Carabta, gaar ahaan dhinacyada amniga badda iyo guud ahaan gobolka.
Labada masuul waxay si cad u xaqiijiyeen taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana waxay cambaareeyeen tallaabooyinka sharci-darrada ah ee dowladda Isra’11l.
Sidoo kale, inta badan waddamada caalamka iyo ururrada waaweyn ee Soomaaliya xubin ka tahay ayaa si cad u muujiyay garab istaagooda midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.