Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ay xarunta dhexe ee guddiga soo gaareen dhammaan sanaadiiqdii lagu codeeyay doorashada, kuwaas oo horay loogu tiriyay goobihii cod-bixintu ka dhacday.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in geeddi-socodka doorashadu uu u dhacay si nabadgelyo ah, hufan, isla markaana waafaqsan xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyay dhammaan hay’adaha amniga, hawlwadeennada doorashada, iyo shacabka ka qeyb qaatay doorashada.
“Waxaan xaqiijinaynaa in dhammaan sanaadiiqdii codbixinta si buuxda naloo soo gaarsiiyay, lana hubiyay in tirinta codadka lagu sameeyay goobihii loogu talagalay, iyada oo la raacay dhammaan shuruucda iyo nidaamka doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in guddigu uu hadda ku guda jiro hubinta kama dambaysta ah ee natiijooyinka, si loo xaqiijiyo saxnaanta codadka, loogana fogaado khaladaad kasta oo saameyn kara kalsoonida doorashada.
Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan musharraxiinta iyo taageerayaashooda in ay muujiyaan dulqaad, mas’uuliyad iyo ixtiraam sharci, inta lagu jiro marxaladda lagu dhawaaqayo natiijooyinka rasmiga ah.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu xusay in guddigu ka go’an tahay ilaalinta daahfurnaanta, caddaaladda iyo kalsoonida shacabka, isla markaana natiijooyinka kama dambaysta ah lagu dhawaaqi doono waqtiga uu sharcigu dhigayo, kaddib marka la dhammeeyo dhammaan baaritaannada iyo xaqiijinta lagama maarmaanka ah.