Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan oo Daahfuray Tababar Lagu Xoojinayo Hirgelinta Doorashada.
Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo howlwadeen, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona maamulka iyo hirgelinta howlaha codbixinta ee la qorsheynayo inay qabsoonto 25-ka bishan.
Tababarkan ayaa lagu baranayaa hab-raacyada codbixinta, waajibaadka shaqaalaha goobaha codbixinta, ilaalinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada, iyo habka ugu habboon ee loola macaamilayo codbixiyeyaasha. Ujeeddadu waa in la hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu u dhaco si xor ah, cadaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo nidaamka dalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay xoojinta kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka doorashada, isaga oo tilmaamay in howlwadeennada la tababarayo ay laf-dhabar u yihiin qabsoomidda doorasho lagu kalsoonaan karo. Waxa uu adkeeyay in ka-qaybgalayaasha laga filayo daacadnimo, dhexdhexaadnimo, iyo u hoggaansamid buuxda oo ku aaddan hab-raacyada doorashada.
Dadaalladan ayuu Guddoomiyuhu ku sheegay kuwo qeyb ka ah diyaargarow ballaaran oo lagu xaqiijinayo in doorashada ay u dhacdo si nabad ah, hufan, isla markaana ay shacabka si xor ah ugu cabbiri karaan rabitaankooda siyaasadeed.
