Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada G/Banaadir oo shir gudoomiyey shir looga hadlayey dardargalinta horumarrinta Caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay dardargalinta horumarrinta Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani, Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka D.H.X, saraakiisha ciidanka Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kaas oo la xariiray in talaaba adag laga qaado Xoolaha lagu soo fasaxo Magaalada, kuwaas oo caqabad ku ah bilicda Caasimadda.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa faray Madaxdii iyo Saraakiishii kulankan ku sugneyd in la xoojiyo howlaha lagu horumarinayo Amniga, Nadaafada, Kobaca Dhaqaalaha, iyo hoos u daadajinta adeegyada Bulshada.