Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dowladda Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa booqasho rasmi ah ku tagtay Xarunta Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta ee dowlad-goboleedyada dalka.
Marwada Guddoomiye ku xigeenka ah ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka, waxaana qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha, Mudane Cabdulqaadir Jaamac Warsame, iyo Xoghayaha Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari. Mas’uuliyiinta soo dhoweynta ka qayb galay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada wafdiga ka socday Dowladda Galmudug.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta doorka baarlamaanka, wadaagga waayo-aragnimada sharci-dejinta, isdhaafsiga aqoonta iyo hab-raacyada shaqo, iyo sida baarlamaannadu uga wada shaqeyn karaan horumarinta dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya golayaasha sharci-dejinta ee dowlad-goboleedyada.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa uga mahadcelisay mas’uuliyiinta Dowladda Waqooyi Bari soo dhoweynta diirran, iyadoo xustay in booqashadani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo wada-shaqeynta labada dhinac. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in baarlamaannadu door firfircoon ka qaataan horumarinta nabadda, midnimada, iyo adeegga bulshada.
Dhankeeda, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa soo dhaweeyay booqashada wafdiga Galmudug, wuxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay Golaha Wakiillada in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta ee dalka, si loo helo hannaan dowladeed oo mideysan oo hufan.