Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ah kormeer ku sameeyay Mashruuca Dayactirka iyo Faara-bixinta Warta Degmada Boondheere

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa Axadda maanta ah kormeer ku sameeyay Mashruuca Dayactirka iyo Faara-bixinta Warta Degmada Boondheere, kaas oo ka mid ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku horumarinayso kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.
Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa tilmaamay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee mashruucan, maadaama Warta Degmada Boondheere ay tahay biyo-qabadka shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono hagaajinta nidaamka biyo-mareennada, yareynta khataraha fatahaadaha xilliyada roobabka, iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ayaa sidoo kale xusay in mashruucani uu qeyb ka yahay qorshe istiraatiiji ah oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku xoojinayo horumarinta kaabayaasha magaalada, bilicda caasimadda, iyo badbaadada deegaanka.
Mashruuca dayactirka iyo faara-bixinta Warta Degmada Boondheere oo ay si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, ayaa ah midkii saddexaad ee noociisa ah tan iyo markii uu xafiiska yimid Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoo horay wax looga qabtay biyo-mareennada muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo qaarkood ay weli ka socdaan hawlo dhisme iyo casriyeyn ah.