Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Ahmed Abdi Adan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC).
Shirkan oo ay qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta isku-duwidda ka-jawaabista abaarta, falanqaynta xaaladda bani’aadannimo ee dalka, iyo adkaynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC), oo la qabto saddexdii biloodba mar, ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta nidaamka wadaagga xogta, qiimeynta xaaladda abaarta, iyo hagidda tallaabooyinka qaran ee wax looga qabanayo saameynta abaaraha.
Kulanka waxaa ka qeyb-galaya wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo si wadajir ah u falanqeynaya xaaladda sugnaanta cuntada, heerka baahiyaha jira, iyo caqabadaha taagan.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA ayaa ka qeyb-galayaasha kula dardaarmay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga, wadaagga xogta saxda ah, iyo dardargelinta tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee lagu yareynayo saameynta abaarta ku haysa bulshada Soomaaliyeed.