Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 15-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Daawada.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare, Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa Sanatarrada la wadaagay faahfaahinta warbixinta akhrinta labaad, isagoo si qoto dheer uga hadlay qodobada iyo faqrada sharciga ee ay guddigu wax-ka-beddel, toosin, turxaan-bixin iyo sixid ku sameeyeen muddadii uu sharcigu gacantooda ku jiray, iyagoo kaashanayay khubarrada sharciyeed ee Aqalka Sare.
Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood ballaaran ka yeeshay qodobada Hindise-Sharciyeedka Daawada, iyagoo su’aalo iyo aragtiyo ka keenay habka xakamaynta daawooyinka maanka dooriya, kuwa dhacay ama tayadoodu liidato, iyo sidoo kale tallaabooyinka looga hortagi karo dhammaan daawooyinka khatarta ku ah caafimaadka bulshada ku dhaqan JFS.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Sanatarradu ka weydiiyeen Hindise-Sharciyeedka Daawada, isaga oo adkeeyay in sharcigani kaalin weyn ka qaadan doono xakamaynta dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha daawooyinka dalka la keeno.
Ugu dambayn, Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare inay soo diyaariyaan warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Daawada, isla markaana ay tixgeliyaan una waafajiyaan aragtiyihii iyo talooyinkii ay Sanatarradu ku biiriyeen sharciga.