Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa baaq nabadeed oo muhiim ah ka soo saartay dagaallada beeleed ee mar kale ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda u dhexeysa dad walaalo ah oo isku deegaan ah ee ka taagan degmada Jalalaqsi.
Guddoomiyaha ayaa sheegtay in dagaalka ka dhacay Jalalaqsi uu yahay dhacdo murugo leh oo aan la iska indho tiri karin, isla markaana aan laga aamusi karin, maadaama uu dhaawac weyn ku yahay nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka dadka ku nool deegaanka. Waxay xustay in colaadaha noocan oo kale ah ay horseedaan khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana ay dib u dhigaan horumarka iyo xasilloonida ay bulshada muddada dheer ku taamayeen.
“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo. Waxa uu dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka,” ayay tiri Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Waxay ugu baaqday dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo shacabka ku nool Hirshabeelle, inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, ayna u istaagaan sidii xal waara oo ku dhisan nabad iyo wada hadal loogu heli lahaa khilaafka jira.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale caddeysay in Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu garab taagan yahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo walaaltinimada shacabka deegaanka. Waxay tilmaantay in masuuliyad guud ay saaran tahay dhammaan dhinacyada ay khuseyso sidii loo ilaalin lahaa xasilloonida iyo wadajirka bulshada.
Intaa waxaa dheer, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku boorrisay bulshada deegaanka in ay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara colaad hor leh, iyadoo xustay in danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka muhiimsan yihiin wax kasta oo kale. Waxay adkaysay in nabaddu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, isku duubni iyo mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa ku baaqday in si mideysan looga wada shaqeeyo daminta colaadaha ka jira gobolka Hiiraan, si loo badbaadiyo nolosha shacabka, loona xoojiyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada. Waxay ku celisay in ilaalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha cusub ay tahay waajib qaran oo saaran dhammaan shacabka iyo hay’adaha dowladeed.