Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare iyo wafdi ballaaran oo gaaray Dhuusamareeb si ay uga qeyb galaan caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Maamulka Galmudug, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Wafdiga Guddoomiye Timacadde oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Senatorro ka tirsan Aqalka Sare iyo mas’uuliyiin kale oo heer federaal ah, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb si diirran ugu soo dhaweeyey Hoggaamiye Ku-xigeenka Maamulka Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Soo dhaweynta wafdiga ayaa qeyb ka ah imaanshaha mas’uuliyiinta dowladda iyo marti sharafka kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb u imaanaya ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo ay ka qeybgalayaan madax heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, madax-dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu wafdigu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo xubnaha la socday ayaa waxaa booqasho iyo salaan ugu yimid Hoggaamiyaha cusub ee Maamulka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan.

Hoggaamiye Liibaan ayaa Guddoomiye Timacadde iyo wafdigiisa uga mahadceliyey booqashada iyo imaanshahooda magaalada Dhuusamareeb, isaga oo soo dhoweeyey taageerada iyo ka qeybgalka ay ka muujinayaan munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee maamulka.

Booqashada iyo ka qeybgalka wafdigan heerka sare ah ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Dhuusamareeb ay ka socdaan qabanqaabada ugu dambeysa ee munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo magaalada ay soo gaarayaan mas’uuliyiin iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala imaanaya gobollada dalka iyo dibadda.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa noqonaysa fursad ay mas’uuliyiinta dowladda, madaxda siyaasadda iyo hoggaanka dhaqanka isugu imaanayaan, si ay uga qeybqaataan munaasabadda lagu caleema-saarayo hoggaanka cusub ee Galmudug.