Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo furay kulanka dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan looga arrinsanayo dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubnaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista, wax-ka-beddelka iyo waafajinta Xeer-hoosaadka Golaha iyo Dastuurka cusub ee dalka ee 2026, kaas oo ay hore u ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxaa la falanqeeyay qodobbada Xeer-hoosaadka ee u baahan in dib loo eego, si loo waafajiyo nidaamka iyo mabaadi’da ku xusan Dastuurka cusub, loona hubiyo in habraacyada shaqo ee Aqalka Sare ay la jaanqaadaan isbeddellada dastuuriga ah ee dalka.

Dib-u-eegistan ayaa muhiim u ah tayeynta habraacyada sharci-dejinta iyo nidaamka shaqo ee Aqalka Sare, xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo habsami-u-socodka howlaha Golaha, iyadoo sidoo kale la doonayo in la caddeeyo waajibaadka iyo habraacyada ay tahay in lagu maamulo shaqada Aqalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ayaa kulanka furitaankiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xeer-hoosaadka Aqalka Sare si buuxda ula jaanqaado Dastuurka cusub, maadaama uu yahay dukumentiga hagaya habsami-u-socodka howlaha iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha.

Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa la filayaa inay sii ambaqaadaan dib-u-eegista qodobbada kala duwan, iyagoo ka duulaya baahida loo qabo in la helo xeer-hoosaad casri ah oo waafaqsan Dastuurka cusub, isla markaana kor u qaadaya hufnaanta iyo tayada shaqada Baarlamaanka.