Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta ka qeyb galay doorashada Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir, isaga oo codkiisa ka dhiibtay Degmada Dharkeenley.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Caasimadda Muqdisho, oo maanta si ballaaran ugu dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.
Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, isla markaana ay astaan u tahay tallaabo dhab ah oo shacabka dib loogu celinayo awoodda go’aan ka gaarista mustaqbalkooda siyaasadeed, isaga oo xusay in doorashadani ay sidoo kale bilow u tahay doorashooyin guud oo dalka ka dhici doona, kuna saleysan nidaamka qof iyo cod, nidaamkii ugu dambeeyay ee dalka laga hirgeliyo wax ka badan nus qarni ka hor.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in ay muujiyaan midnimo, wadajir iyo masuuliyad qaran, isla markaana ay si wadajir ah uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimaya amniga, xasilloonida iyo deganaanshaha Caasimadda.
Ugu dambeyn, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada amniga ee qeybahooda kala duwan iyo howlwadeenada doorashada, kuwaas oo heegan ugu jiray in ay suurtageliyaan in doorashadu ku qabsoonto si nabad ah, hufan oo la isku halleyn karo. Waxa uu sidoo kale ammaanay shacabka Caasimadda oo muujiyay adkeysi, wacyi bulsho iyo garab-istaag buuxa oo ay la garab taagnaayeen ciidamada amniga.