Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa Caawa ka dhacday doorashada guddoomiye kuxigeenada degmada Gaalkacyo,waxaana codeynayay Xildhibaanada Golaha deegaanka Gaalkacyo.
Xilka guddoomiye kuxigeenka degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Jakato, Shaafici Cabdullaahi Xaashi iyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal.
Wareega koowaad ayaa waxaa ay codadka u kala heleen sidatan Cabdullaahi Maxamed Jakato 10 cod Shaafici Cabdullaahi Xaashi 5 cod iyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal 15 cod, waxaana wareega labaad u gudbay musharixiinta ka ah Cabdullaahi Maxamed Jakato iyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal,
Wareega Saddexaad ee doorashada ayaa waxaa ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka degmada Gaalkacyo ku guuleystay Maxamed Cabdinaasir Cigaal oo helay 16 Cod halka Cabdullaahi Maxamed Jakato uu helay 15 Cod.
Xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa galabta duqa cusub ee degmadaasi u doortay Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo kamid ahaa 2-dii murashax ee u tartamay xilkaasi.