Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS), Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, kaas oo diiradda lagu saaray qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadidda hannaanka shaqo ee Golaha iyo dejinta qorshe mideysan oo lagu wajahayo ajandayaasha muhiimka ah ee horyaalla Aqalka Sare. Waxaa kulanka ka qeyb galay xubnaha Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo door muuqda ku leh hagidda iyo isku dubbaridka howlaha Golaha.
Ugu horreyn, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshe-howleedka Golaha. Waxa uu sharaxaad ka bixiyay shuruucda cusub ee soo gaaray Aqalka Sare, hindise-sharciyeedyada ku jira marxaladaha kala duwan ee akhrisyada, iyo kuwa weli sugaya in la dhammaystiro habraacyadooda dastuuriga ah, si Golaha uu u guto waajibaadkiisa sharci-dejin iyo dib-u-eegista sharciyada.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay mudnaanta la siinayo sharciyada muhiimka u ah horumarka dalka, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo in la dedejiyo ka shaqeynta hindise-sharciyeedyada taabanaya dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, maamul wanaagga iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Kadib soo bandhigista warbixinta, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan qorshe-howleedka Golaha. Xubnuhu waxay is dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo tayada shaqada Golaha, kordhinta wada-shaqeynta Guddiyada joogtada ah iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta si ay u noqdaan kuwo waafaqsan baahiyaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in Guddiyada Aqalka Sare ay si joogto ah ula socdaan fulinta sharciyada la ansixiyay, isla markaana ay sii xoojiyaan doorkooda korjoogteynta ee ku aaddan hay’adaha dowladda. Xubnaha ayaa sidoo kale isku raacay in la joogteeyo kulamada qorsheynta si loo hubiyo in howlaha Golaha ay ku socdaan jadwalkii loo dejiyay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo soo xiray kulanka, ayaa uga mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada ah doodihii, talooyinkii iyo aragtiyihii wax-ku-oolka ahaa ee ay soo bandhigeen. Wuxuu xusay in fikradaha la wadaagay ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha iyo xoojinta waajibaadka dastuuriga ah ee Aqalka Sare.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku boorriyay xubnaha Guddiga Joogtada ah inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay si dhow uga shaqeeyaan gudashada waajibaadka sharci-dejinta, matalaadda dowlad-goboleedyada iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo Baarlamaan hufan oo si wax ku ool ah ugu adeegaya Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta qorshe-howleedka Kalfadhiga 8-aad, iyadoo la isla qaatay in mudnaanta la siiyo sharciyada muhiimka u ah dowlad-dhiska, horumarinta hay’adaha dowladda iyo xoojinta isla xisaabtanka, si Aqalka Sare uu u sii wato doorkiisa muhiimka ah ee geeddi-socodka sharci-dejinta iyo ilaalinta dastuurka dalka.