Guddoomiye Tuulax Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Talyaaniga

Kusimaha Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay dowladda Taliyaaniga.

Guddoomiye Tuulax  ayaa wafdiga waxey kawada hadleen Sidii loo dhisi lahaa Xarumaha Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Sidii Wax loogu qaban lahaa barakacayasha

Kusimaha Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa uga mahad celiyey dowladda Talyaaniga caawinta dowladda Soomaaliya,iyada oo horay qalab ugu wareejisay dowladda Soomaaliya.