Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta oo Isniin ah dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhawaan la burburiyey, isla markaana ka mid ah suuqyada ku yaalla hantida danta guud ee Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska iyo casriyeynta suuqyada caasimadda, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo abuurista goobo ganacsi oo leh adeegyo wanaagsan iyo deegaan ku habboon ganacsatada iyo bulshada.
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda uu dib-u-dhiska Suuqa Siinaay u leeyahay horumarinta ganacsiga, bilicda caasimadda iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey in ganacsatadii markii hore suuqa ku ganacsan jirtay dib loogu celin doono goobahoodii ganacsi marka uu soo dhammaado mashruuca dib-u-dhiska.
Dib-u-dhiska Suuqa Siinaay ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo muuqaalka suuqa, kor u qaado tayada adeegyada ganacsiga, isla markaana abuuro jawi ganacsi oo wanaagsan oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada iyo bulshada ku nool caasimadda.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Suuqyada, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ku doonayo dib-u-habaynta goobaha ganacsiga iyo horumarinta hantida danta guud ee caasimadda.