Guddoomiyihii Degmada Qoryooley Oo Qarax Lagu Dilay

Wararka naga soo gaayaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax lagu dilay guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooleey ee G/Shabeellaah Hoose Cusmaan Maxamed Buraale.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Xamuulka qaada oo uu saarnaa guddoomiyaha xilli uu marayay duleedka degmada Baraawe.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baraawe ayaa waxa ay sheegeen in guddoomiyihii hore ee degamda Baraawe uu qaraxaasi ku geeriyooday halka uu ku dhaawacmay darawalkii gaariga kaas oo dhaawiciisa loosoo qaaday Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta faah faahin intaasi dheer kama sii bixin,balse waxaa masuuliyada qaraxaasi sheegtay in ay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.