Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka doodista, falanqaynta iyo ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo xubnaha Golaha ay soo bandhigeen qorshayaasha shaqo ee horyaalla inta lagu guda jiro kalfadhigan.
Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa kulanka kusoo bandhigay qorsheyaashooda shaqo, kuwaas oo ay kamid yihiin ka shaqaynta iyo dib-u-eegista shuruucda horyaalla Golaha, dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dalka.
Sidoo kale, Guddiyada ayaa qorshahooda ku daray in la xoojiyo korjoogteynta hay’adaha iyo Wasaaradaha, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo la-socodka sida ay u gutaan waajibaadkooda iyo hirgelinta qorshayaasha loo igmaday.
Intii uu kulanku socday, xubnaha Aqalka Sare ayaa si qoto dheer uga dooday qorshayaasha la soo bandhigay, iyagoo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo lagu horumarinayo shaqada Golaha iyo Guddiyada.
Kaddib dood iyo falanqayn dheer, waxaa la meel mariyay ajandayaasha Golaha iyo qorshe-hawleedka Guddiyada ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha ku bogaadiyay dadaalka iyo shaqada ay Qaranka u hayaan, isaga oo ku boorriyay inay dardargeliyaan howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha qaranka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray Guddiyada Aqalka Sare inay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-xirka howlaha, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha Kalfadhiga 8-aad loo fuliyo si hufan, isla markaana Golaha uu si buuxda uga soo baxo waajibaadkiisa dastuuriga ah