Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, oo ay hoggaaminaysay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka, Marwo Naciima Ibraahim Yuusuf.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalka, nabadeynta, dowlad-dhiska iyo ka qeybgalka arrimaha siyaasadda iyo bulshada.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu horreyn si diirran u soo dhaweeyay xubnaha Golaha Haweenka Qaranka, isaga oo tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed iyo aas-aaska muhiimka u ah jiritaanka iyo horumarka qoyska iyo qaranka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay yeeshaan gole si gaar ah uga shaqeeya horumarinta, ilaalinta iyo u doodista xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, isagoo xusay in jiritaanka gole noocan ah uu muhiim u yahay sidii loo xoojin lahaa codka iyo matalaadda haweenka.
Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale tusaalooyin iyo dhacdooyin muhiim ah u soo qaatay kartida, kaalinta iyo awoodda haweenka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in haweenku muddo dheer door muuqda ka soo qaadanayeen xalinta khilaafaadka, nabadeynta iyo isku-xirka bulshada.
Waxa uu xusay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo fursadaha ay kaga qeybqaadanayaan go’aan-qaadashada dalka.
Guddoomiyaha ayaa ballan-qaaday inuu kala shaqeynayo Golaha Haweenka Qaranka aragtiyada iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga, nabadda, dowlad-wanaagga iyo wada-shaqeynta bulshada, si loo horumariyo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed si buuxda looga qeybgeliyo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka dalka.
Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka ayaa dhankooda uga mahadceliyay Guddoomiyaha Aqalka Sare soo dhaweynta iyo taageerada uu u muujiyay haweenka Soomaaliyeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo Golaha Haweenka Qaranka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda, nabadda, bulshada iyo dowlad-dhiska dalka.