Guddoonka Golaha Shacabka oo kormeeray goobta lagu qabanayo doorashada Guddoomiyaha Golaha

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa maanta kormeer ku tagay goobta loo diyaariyey doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maalinta berri ah ka dhici doonta.

Kormeerka ayaa lagu hubinayey diyaar-garowga goobta, habraacyada doorashada iyo agabka loo diyaariyey in loo adeegsado maalinta doorashada, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashadu u dhaco si hufan, nidaamsan oo waafaqsan xeerarka Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee goobta, iyagoo qiimeeyey diyaar-garowga farsamo iyo hab-maamuuska doorashada, gaar ahaan nidaamka cod-bixinta, goobaha uu ka howlgelayo guddiga doorashada iyo agabka loogu talagalay xildhibaanada.

Guddoomiyaha KMG ah, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si caddaalad ah, hufan oo xasilloon, iyadoo la raacayo xeerarka iyo habraacyada u degsan Golaha Shacabka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku qabsoonto jawi ammaan ah, nidaamsan oo dhammaan diyaar-garowgii loo baahnaa la sameeyey