Guddoonka Golaha Shacabka oo u yeeray saraakiisha AMISOM

Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu kulan la qaadanayo saraakiisha dowladda ee qaabilsan amniga xarunta golaha shacabka.

Sidoo kale guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in uu la kulmayo saraakiisha sare ee AMISOM ee ciidamada Soomaaliya kala shaqeeya amniga xarunta golaha shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ka hor furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka iney la kulmi doonaan saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda si loo adkeeyo amniga xarunta golaha shacabka.

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddoonka uu diyaar u yahay in ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga xarunta in la dhiira geliyo si loo adkeeyo amniga.

Waxa uu tilmaamay si loo dardar geliyo shaqooyinka kalfadhiga cusub in ay ka hor yeelanaya kulamo joogto ah.

“Een waxaan u yeereynaa oo qoraal ku qornay Taliyeyaasha ciidanka Booliska oo xarunta ay quseyso, hawsha diyaar garowga xarunta marka aan dhameysaano, waxaan sidoo kale la kulmi doonaa masuuliyiinta AMISOM ee amniga golaha u xilsaaran”. Ayuu yiri Gudoomiye Mahad Cawad.

10-ka bisha September ee soo socoto ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu si rasmi ah u furo kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka.