Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka Qaranka.
Kulankan oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarka shaqada dib-u-eegista dastuurka, is-weydaarsiga aragtiyo ku saabsan qodobada mudnaanta leh, iyo hab-raaca sharciyeed ee lagu wajahayo marxaladaha xiga ee geeddi-socodka dastuur-dhammaystirka.
Intii uu kulanku socday, guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, kuwaas oo la xiriira arrimo muhiim u ah qaab-dhismeedka dowladda, xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta, awood-qaybsiga hay’adaha dowladda, iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.
Sidoo kale, guddiyadu waxay soo gudbiyeen shintiriska (jadwaleynta) doodda soo-jeedimaha wax-ka-beddelka, taas oo tilmaamaysa waqtiga iyo habka ay Baarlamaanka u yeelan doonaan dood furan, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo guddoonka labada Aqal ayaa bogaadiyay shaqada ay guddiyadu wadeen, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurku noqdo mid loo dhan yahay, daah-furan, isla markaana ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, si dalka uu u helo Dastuur dhammeystiran oo sal u noqda xasillooni siyaasadeed, dowlad-wanaag, iyo horumar waara.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid tallaabo weyn u ah dhammaystirka Dastuurka Qaranka, laguna xoojinayo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hogaaminta arrimaha masiiriga ah ee dalka.