Guddoonka Labada Aqal oo ku dhawaaqay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka uu furmi doono maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 20-ka Sebtembar 2025.

Go’aankan ayaa ka dhashay kulamo wadatashi ah oo dhawaan dhexmaray Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday diyaar garowga furitaanka kalfadhigan cusub.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu baaqay dhammaan Xildhibaannada iyo Senatarada in ay si buuxda uga soo qeyb galaan furitaanka, iyagoo lagu wargeliyay in ay door muuqda ku yeelan doonaan howlaha horyaalla kalfadhigan, gaar ahaan kuwa la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa la filayaa in Kalfadhiga 7-aad uu diiradda saaro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah iyo dhismaha hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, taas oo ah mid ka mid ah himilooyinka ugu waaweyn ee Baarlamaanka horyaalla.

Dhanka kale, warar soo baxayay maalmahan ayaa muujinaya in qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay mooshin ka wadaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Si kastaba ha ahaatee, Guddoonka Baarlamaanka weli kama uusan hadlin arrintaas si rasmi ah.

Sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furaya kalfadhiyada rasmiga ah ee Baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu si toos ah u furo Kalfadhigan 7-aad.

Kalfadhigii 6-aad ayaa si rasmi ah loo soo xiray 21-kii June 2025, iyada oo Xildhibaannada iyo Senatarada lagu wargeliyay in ay dib ugu laabtaan deegaan doorashadooda, si ay ula falgalaan shacabka ay metelaan.