Guddoonka Labadda Aqal Ee Baarlamaanka Oo La Kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Turkiga

Guddoonka Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminaayey Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Ka qeyb galay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) , guddiga saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo guddig Arrimaha dibedda ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa Turkiga uga Mahadceliyey Taageeradda ay Shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan sidii ay inoogu soo gurmadeen Musabadii 14 October.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isna uga mahadceliyey Dowladda Turkiga Mashaariicda Hormarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan iyo is garab taagooda Golaha Shacabka Soomaaliyeed.