Gudiga Dhacdadii Gololey Oo natiijo ah Soo Saaray

Degmada Balcad waxaa ka socda kulamo kala duwan oo la xiriira sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay dilkii deegaanka Gololeey dhawaan loogu geystay 8 Dhalinyaro ahaa oo 7 kamid ah ka howlgalayay Xarun MCH oo ku taalla deegaankaas.

Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi ee uu u xilsaaray baaritaanka dhacdadaas iyo maamulka degmada ayaa waxaa ay wadaan howlo baaritaano ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo la hadlay Risaala ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanada,isla markaana dhawaan baaritaano horudhac ah ay soo bandhigi doonaan.