Gudiga dib uheshiisiinta Oo Kulamo Kabilaabay Cadaado

Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud  ayaa xalay waxaa ku hoyday  Xubnaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Deegaanada Galmudug,kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Gaalkacyo.

Guddiga oo deegaannada Galmudug ka wada wadatashiyo ayaa la filayaa in Maanta oo talaado ah inay la kulmaan Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Cadaado.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan  Arimo la xiriira shirka dib u heshiisiinta deegaannada Galmudug iyo sidii reer Gaalkacyo ugu qeyb gali lahayeen gogosha dib u heshiisiinta ee taalla Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq iyo gaalkacyo, waxaana  dhammaan deegaannadii ay tageen waxgaradka ku nool ay la wadaageen qorshaha ay wadaan.