Gudiga doorashooinka Qaranka Oo beeniyay Hadal Ka Soo yeeray Mucaaradka


Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ka hadashay warar maalmahaan siyaasiyinta qaar ay sheegayeen oo ahaa in Madaxda talada dalka haya ay doonayaan inay waqti koror sameystaan.

Xaliimo Yareey oo Wareysi siisay Idaacadda Voa-da laanteeDa Afka Soomaaliga ayaa sheegtay inaysan maqlin wax la yiraahdo mudo kororsi,isla markaana doorashada dalka ay ku dhaceyso waqtiga loogu talo galay.

Waxaa ay soo hadal qaaday Guddiga diyaarinta sharciga doorashada ee uu shalay Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxaana ay sheegtay in guddigaas uu yahay mid caadi ah oo la doonayo in uu diyaario  Sharciga doorashooyinka ee lagu Shaqeyn lahaa.

Sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa dhawaan ansixiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya,hayeeshee waxaa sharcigaas kasoo horjeestay Maamul goboleedyada qaar iyo Madaxda Xisbiyada ka jira dalka, iyaga oo sheegay in qodobo ka mid ah Sharciga ay qeexayaan inay Madaxda Dowladda doonayaan mudo kororsi.