Gudiga doorashooyinka jubbland Oo Sheegay in doorashada Gudoonka baarlamanka Maanta Ay dheceyso

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.

Musharaxiinta aan horay isku diwaangalin  ayaa saddex maalmood loo qabtay inay is diiwaan geliyaan, taasoo ka bilaabaneysa 17 bishan kuna eg 19 bishan.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ma shaacin in dib loo dhigay doorashadda guddoonka baarlamaanka oo lagu waddo in ay maanta ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Waxaa xusid mudan in Guddiga doorashadda maamulka Jubbaland uusan waxba ka badalin shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan.

Tilaabadaan ayaa timid ka dib markii Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu maalmihii lasoo dhaafay uu ka waday Magaalada Kismaayo dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay doorashadda maamulka Jubbaland.