Gudiga doorashooyinka Qaranka Oo lakulmay madaxda UNSOM

Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka ayaa maanta Xarunta UN kulan kula yeeshay UNSOM qeybteeda Integrated Electoral Support Office (IESG).

Kulankan ayaa  ka mid ah kullamada uu Guddiga la yeelanayo Hay’adaha daneeya Arrimaha Doorashooyinka Qaranka.

Kulankan waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab),iyadoo siweyn loogu gorfeyeey arrimo la xiriira diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka.