Gudiga doorashoyinka Qaranka Oo kulamo Kawada Kismaanyo

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo ku sugan Magalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kulamo kala duwan ka bilaabeen Magaaladaas.

Guddiga ayaa waxaa xalay casho sharaf  u sameeyay  Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle ahna kusimaha madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen, iyada oo kulankooda ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Guddiga inta uu joogo magaalada jowhar ee caasimada dolwad goboleedka Hirshabeelle waxa ay kulama kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Hirshabelle iyo qeebaha kala duwan ee bulshada,iyagoona ka dhagaysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.