Gudiga Gurmadka Abaaraha Degmada Harardheere ayaa baaq degdeg ah u diray ganacsatada, siyaasiyiinta, jaaliyadaha dibadda, iyo hay’adaha kala duwan ee kasoo jeeda Degmada Harardheere iyo deegaanada hoostaga si ay door Muuqda uga qaataan gurmadka dadka danyarta ah ee ay si daran u Saameysay abaartu
Xoghayaha Degmada Harardheere oo ay Wehlinayeen Xubnaha Gudiga Gurmadka Abaaraha Degmada iyo Odayaasha Dhaqanka Degmada ayaa si Wadajir ah ugu baaqay dhammaan ganacsatada, siyaasiyiinta, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Galmudug in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka Nugul ee Wajahaya xaalada adag oo la xiriirta cunto yari iyo biyo la’aan.
Sidoo kale, Odayaasha Dhaqanka Degmada Harardheere ayaa adkeeyay baaqa ah in si dhow loola Shaqeeyo Gudiga Gurmadka Abaaraha, laguna garab istaago sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa — gaar ahaan biyo iyo raashin qoysaska tabaaleysan ee ay abaartu saameysay.
Ugu dambeyn, maamulka degmada iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa ugu baaqaya dhammaan cid kasta oo wax ku tari karta in ay ka jawaabto baaqan bani’aadannimo, si loo badbaadiyo nolosha dadka danyarta ah loogana hortago saameyn ka sii daran oo abaartu keeni karto.