Gudiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed oo La Kulmay Hay’adaha Amniga

Gudiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hay’adaha amniga, kaas oo diiradda lagu saaray xaqiijinta amniga doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha guddiga ayaa kulanka ka sheegay in amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee hirgelinta doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo, isagoo xusay in loo baahan yahay wada-shaqeyn dhow oo ka dhaxeysa guddiga iyo hay’adaha amniga si looga hortago falal kasta oo carqaladeyn kara geeddi-socodka doorashada.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa dhankooda ballan qaaday inay si buuxda uga shaqeyn doonaan sugidda amniga, isla markaana ay kordhin doonaan feejignaanta iyo howlgalada lagu xaqiijinayo xasiloonida goobaha doorashada, si doorashooyinka loogu qabto jawi nabad iyo hufnaan leh.