Gudiga xeer-hoosaadka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hor-yimid go’aan uu gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mr. gacal uu kulamada baarlamaanka iyo xuquuqaha kaleba uga joojiyey xubno Baarlamaanka ka tirsan.
Warqadan oo uu ku saxiixanyahay Gudoomiye kuxigeenka Gudiga xeer-hoosaadka Baarlamaanka Mudane Cabdulqaadir Abdulahi Dhakow ayaa sidoo kale lagu yiri “xubnaha golaha waxay leeyihiin xuquuq iyo xasaanad dastuuri ah oo uusan gudoonka golaha awood u laheyn in uu hakiyo.”
