Gudigii loo xil saaray Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiye doortay+SAWIRO

15-kiiĀ  Xubnood ee loo xil saaray Doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay doorteen Gudoomiye ka dib doorasho ka dhacday Galabta xarunta Villa Hargeysa.

15-ka Xubnood ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo dhawaan Baarlamaanka kusoo biiray.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa hoggaamin doona Guddiga tan iyo inta laga gaaraayo doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.