DHEGEYSO:Gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Sheegay in Kulumada Baarlamka aay Ku qabsoomi donaan Magaalada dhuusamareb.

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa bulshada galmudug ee ku dhaqan gobolada dhexe ku amaaney amniga ay Abuuurteen ee deegaanada galmudug ka jira isaga oo ku tilmaamey in uu yahay mid astaan u ah deeganada kale ee maamul goboleedyada .

Gudoomiyaha oo kahadlayay kulan lagu soo dhoweynayay baarlamaanka maamulka galmudug ayaa sheegey in ugu danbeyn xildhibaanada galmudug lagadoonaya in ay yimaadaan magalada dhuusamareeb
kadibna ay Bilaaban doonto kalfadhiga iyo howlaha baarlamaanka horyaala.

 

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyey in uu ku da’daali doonaan bilaabida Howlgal lagu xoreynayo deeganada bari ee galgaduud iyo xarardheere Howshaasina ay dag dag ku socoto.

 

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa dowlada soomaaliya ku ugu Baaqay in aysan gorgortan ka Galin ilaalinta xuduudaha dalka iyo madax Banaanideena dhuleed waxa Uuna si kulul u dhaliiley faro galinga Bowladaha shisheeye ee Imaaraadku ka mid yahay ay ku haayaan Dalkeena sida heshiiskii barbara.