Gudomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Oo edeyn loojeediyay

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka  Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeeyay in uusan dhexdhexaad ka aheyd Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in la helo Guddoon dhexdhexaad ah si loo wajaho Mooshinka laga Keenay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay gaarayaan 100 Xildhibaan, islamarkaana ay la magacbaxeen Guddiga Badbaadinta baarlamaanka.

Waxaa ay sheegeen in warkii shalay kasoo baxay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad uu muujiyay Kalsooni daro iyo in loo baahan yahay Guddoon dhexdhexaad ah.