DHEGEYSO:>Gudoomiya Cusub Ee baarlamaanka Oo Xilka Kalawareegay Gudoomiyihii hore Jawaari

Guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Munaasibadda xil wareejinta Guddoonka Golaha shacabka waxaa ay ka dhacday xarunta Golaha shacabka,waxaana ka qeybgelay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Xil wareejinta waxa aka qeyb galay labada guddoomiye ku xigeen ee Golaha shacabka Soomaaliya,Guddoomiyaha cuusb ooo madasha ka hadlay ayaa amaan u jeediyay Guddoomiyaha isaga ka horreeyay ee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Jawaari uu baarlamaanka soo maamulay xilli aad u adag oo ay wajahayeen caqabado badan isaga oo intaas ku daray in shaqada uu soo qabtay uu ku tilmaami karo naf hurnimo.

Waxaa uu Guddoomiyaha cusub ballan qaaday in uu talo weydiisanayo Guddoomiyihii isaga ka horreeyay sidoo kalena uu meel isugu keenayo dadka la soo shaqeeyay Guddoomiye Jawaari ee Maamulka Baarlamaanka.

Hoos kadhgeyso codka gudoomiyii hore ee baarlamaanka somaaliya Jawaari