Gudoomiyaha Aqalka Oo Edeyn ujeediyay Madaxda Dowlada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa markale ka hadlay dadaallada ay ku doonayeen inay ku soo afjaraan khilaafaadka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar.

Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya iyo reysal wasaaruba inay aqbalaan inay miiska wada hadalka yimaaddaan, isagoo sheegey in maamul goboleedyada ay wada xaajoodka diyaar u yihiin, balse sida muuqata, ay dowladda dhexe ka caga jiideyso wada hadalkaasi.

Gudoomiyaha oo la hadlay VOA ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay kala kulmeen waxyaabo aysan fileyn oo ah in aysan wali jawaab ka bixin cabashadda maamul goboleedyadda.

Farmaajo iyo Kheyre ayuu ugu baaqay in dalkaan loo baahan yahay in la mideeyo si dhibaatada taagan looga baxo,islamarkaana ay gartaan shaqadda loo haayo Bulshadda waxa ay tahay.

Maamul goboleedyadda ayuu ku Ammaanay sidda ay u tixgaliyaan baaqyadii ay u direen Aqalka Sare,isagoo sheegay in shirka maanta ka furmaya Garowe in aysan kasoo horjeedin Aqalka Sare.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.